MUQDISHO-AYAAMAHA-Baarlamaanka Dowlad Goboleedka Hir-Shabeelle oo ku guda Jira Kalfadhiga 1aad ayaa Fadhigiisa 15 kuyeeshay Caasimada Hir-Shabelle ee Magaalada jowhar
Kulanka oo uu shir Gudoominayey Kusimaha Gudoomiyaha Baarlamanka ahna Gudoomiye kuxigeenka 1aad Siraaji Sheikh Isxaaq ayaa Ajendahiihu ahaa sii wadida Akhrinta Xeer Hoosadka Baarlamaanka, iyada oo Xoghayaha Guud ee Golaha Cabdiwaxiid Maxamed Xusseen (Wadaariyad) uu Xildhibaanada kahor Akhriyey dhamaan cutubyada Xeer Hoosadka Baarlamanka Dowlad Goboleedka Hirshabelle
Xildhibaanada ayaa soo jeediyey in Xeer Hoosadka lagu dhaqmo si shaqada Baarlamanka u noqoto mid hufan oo si habsi leh
Ugu dambeyn Kusimaha Gudoomiyaha Baarlamanka ahna Gudoomiye kuxigeenka 1aad Mudane Siraaji Sheikh Isxaaq ayaa soo xiray Fadhiga isagoo xildhibaanada ku wargeliyey in akhrinta Xeer Hoosadka ay soo gabo gabowday.