Baarlamaanka Soomaaliya oo ansaxiyey Miisaaniyadda sanadka 2023

MUQDISHO-AYAAMAHA-Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa maanta Shir guddoomiyay kalfadhiga labaad kulankiisa 4-aad ee wadajirka ah ee Baarlamaanka 11-aad JFS.

Kulanka oo ay goob joog ahaayeen guddoonka labada aqal iyo ku-xigeennadooda ayuu ajandahu ahaa akhrinta sedexaad iyo ansixinta miisaaniyadda 2023-ka. Wadarta guud ee Miisaaniyadda sanadkan oo gaartay $973,985,805. Miisaaniyadda sanadkan oo loo kordhiyay xarumaha danta guud sida xarumaha caafimaadka dowladda, waxbarashada iyo hay’adaha amniga ee dalka. Xildhibaannada labada aqal ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya 172 Xildhibaan ayaa cod gacan taag ah ku ansixiyeen miisaaniyadda waxaa na diiday 0 waxaa ka aamusay 1 Mudane.

Wasiirka Wasaaradda Maaliyada Xukuumada Federaalka Soomaaliya Mudane Cilmi Maxamuud Nuur ayaa xildhibaannadda labada aqal ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya uga mahadceliyay ansixinta miisaaniyadda sanadka 2023-ka.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa ku dhawaaqay in miisaaniyadda sanadkan ay ansax tahay isagoo guddoonka iyo xildhibaannada labada aqal, guddiyadda maaliyadda ee Baarlamaanka ayuu uga mahadceliyay dadaalkii dheeraa ay soo geliyeen isla-markaana ay ku bixiyeen juhdi iyo wakhti badan si dadka iyo dalka loogu adeego.