Baarlamaanka Soomaaliya oo si toos usoo farageliyay heshiiskii Golah Wadatashiga Qaran

MUQDISHU-AYAAMAHA-Guddoomiyaha Golaha Shacabka Soomaaliya Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa magacaabay Guddi gaar ah oo kasoo talabixiya heshiiskii Golaha Wadatashiga Qaran oo ay xukuumaddu usoo gudbisay Golaha Shacabka.

Guddigan oo ka kooban shan xubnood ayaa waxay kasoo talo bixindoonaan heshiiska xukuumaddu gashay, kaddibna baarlamaanka ayay dib ugusoo celin doonaan  talo bixintooda.

Magacyada Xubnaha Guddiga uu guddoomiyaha Golaha Shacabka u xil saaray waxay kala yihiin.

  1. Xildhibaan Cabdisamed Maxamuud Xasan Faarax
  2. Xildhibaan Maxamed Faarax Nuux
  3. Xildhibaan Maxamuud Cabduqaadir Xaaji (Jeego)
  4. Xildhibaan Muktaar Maxamed Guuleed
  5. Xildhibaan Cabdullaahi Cabdi Maxamed (Geel qaad)

Dhawaan ayaa waxaa la filayaa in Xildhibaannada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya in la horgeeyo heshiiskii Golaha wadatashiga Qaran ay ku gaareen magaalada muqdisho, kaas oo ay kasoo horjeesteen inta badan Siyaasiyiinta mucaaradka ah.

Magacaabidda guddigan ayaa timid xilli baarlamaanka uu aad isugu kkhilaafsan yahay heshiisakan oo meesha ka saaraya hannaanka ay ku dhisnayd dowladnimada Soomaaliya.

Heshiiska ayaa sheegaya in la mideeyo hannaanka doorasho ee hoggaanka JFS, waxaana dalka uu qaadanayaa nidaam xisbiyo badan oo madaxweyne iyo Madaxweyne ku-xigeenka ay dooranaya shacabka Soomaaliyeed.