Baarlamaanka Uk oo ka doodaya Madax bannaanida Somaliland

MUQDISHO-AYAAMAHA-Baarlamaanka UK ayaa Talaadada beri ah lagu wadaa in muddo kooban uu dhegaysto dood ku saabsan madaxbanaannida Somaliland oo uu usoo gudbin doono xildhibaan Gavin Williamson oo laga soo doorto Koonfurta Magaalada Staffordshire

Doodda oo ah mid uu mudanaha ku soo gebagabeyn doono fadhiga maalintaas ayaan la fileyn in wax go’aan ah uu ka gaaro baarlamaanka.

Ma ahan markii ugu horreysay oo baarlamaanka UK uu dhegaysto dood ku aaddan aqoonsiga Somaliland oo sheegtay in 1991 ay ka go’day Soomaaliya inteeda kale.

Bishii December sanadkii 2019, 11 xildhibaan oo u badan xisbiga Labour-ka ayaa gudbiyay mooshin ah in baarlamaanka UK uu aqoonsado Somaliland, maadaama ay ahayd “maxmiyad ay Britain xukumi jirtay”.

Mid kamid ah xildhibaannadaas ayaa markii dambe ka noqday mooshinka.

Gavin ayaa 25-kii June 1976 ku dhashay magaalada dalxiiska caanka ku ah ee Scarborough ee ku taalla Waqooyiga England.

Waxa uu siyaasadda ku biiray sanadkii 2001 xilligaas oo loo doortay golaha deegaankiisa. Sanadkii 2010 ayuu markii ugu horreysay ku guulaystay inuu baarlamaanka UK ku matalo Koonfurta Staffordshire.

Dhammaadkii sanadkii 2017 ayaa waxaa loo magacaabay xoghayaha difaaca ee UK, kadibna waa uu July 2019 noqday xoghayah waxbarashada.

Sidoo kale, golaha deegaanka ee magaalooyinka Cardiff, Sheffield iyo Birmingham ayaa horay u shaaciyay inay aqoonsan yihiin madax bannaanida Somaliland, walow taasi aysan wax badan soo kordhin.