Bajaajleey xirtay waddo muhiim ah oo ku taal Muqdisho

MUQDISHO-AYAAMAHA-Boqolaal dhalinyaro oo kamid ah Darawalada Mooto Bajaajta ayaa Maanta banaanbax cabasho ka dhigay agagaarka Daljirka daahsoon ee degmada Boondheere ee Gobolkaan Banaadir.

Darawaleyda Mooto Bajaajta oo xirtay wadada Shabeelle ee aada dhinaca Suuqa Xamarweyne ayaa sheegay inay ka cabanayaan burburka waddooyin ku yaalla Magaalada Muqdisho iyo waddooyin ay xireen biyaha roobkii ka da’ay Magaalada.

Qaar kamid ah dhalinyarada ku shaqeysata Bajaajta oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in wax la aqbali karo aysan aheyn iyaga oo laga qaado lacagta Canshuur inay waayan meel ay maraan burburka ka jira waddooyinka qaar awgood.

Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir Cumar Maxamuud Maxamed( Filish) ayaa ka dalbadeen in uu soo farageliyo arrintaam, isla markaana ay biyaha xireen uu u furo.

Banaanbaxa ay Maanta ka dhigeen agagaarka Taalada Daljirka Daahoosn wadayaasha Mooto Bajaajta ayaa waxaa uu kusoo aadayaa xilli wadooyinka qaar ee magalada Muqdisho ay Biyo xireen, isla markaana Carriiri farabadan uu kajiro wadooyinka Muqdisho.