Banaanbax ka dhan ah Lacagta loo uruurinayo Farmaajo oo laga abaabulayo Muqdisho

MUQDSHO-AYAAMAHA-Iyadoo baraha bulshada aad loo hadal hayo lacagta loo uruurinayo madaxweyne hore maxamed cabdullaahi Farmaajo ayaa hadana waxaa sii kordhaya dadka ka fal celinaya arintaasi.

Qaarkood waxay dadka soo dhaweeyeen qorshahaasi guriga loogu dhisayo ex madaxweyne Farmaajo kuwo kale oo bulshada ka mid ahna waa ay dhaliileen kuna tilmaameen mid sumcad ahaan uwanaagsaneyn.

Muxuyadiin Darba weyne oo ka mid ah odayaasha dhaqanka gobolka Banaadir ayaa isagoo ka qeyb galayey xaflad duub dhaqan lagu caleemo saarayey maanta oo talaado aheyd waxa uu ku baaqay in la sameeyo banaanbax lagu diidan yahay dhaqaalaha loo uruurinayo Farmaajo.

Darba weyne oo la xasuusto sida uu uga soo horjeeday maamulkii nabad iyo nolol ee Farmaajo hogaaminayey ayaa dadka reer muqdisho ka codsaday inay la dagaalamaan Farmaajo iyo cid walbo oo saaxiib la ah carqalad ama arbushaadna ku heysa Dawlada Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ee sida sharciga lagu doortay 15-kii bishii May.