Banaanbax Ka Socda Degmo Ka Tirsan Gobalka Banaadir

MUQDISHU-AYAAMAHA-Banaanbax looga horjeedo dagaalada soo noqnoqday ee degmada Kaaraan ee Gobolka Banaadir ku dhexmara Ciidamo ka wada tirsan dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa haatan ka socda bartamaha degmadaas Kaaraan.

Dadweyne farabadan oo isugu soo baxay meel ku dhow Saldhiga Kaaraan ayaa dhigaya banaanbaxa socda, isla markaana uga soo horjeeda dagaalada xiliyada qaarkood degmadaas ku dhexmara Ciidamo kala taabacsan Saraakiil ka tirsan Ciidanka Milateriga dowladda Federaalka.