Banaanbax Looga Soo Horjeedo Al-Shabaab Oo Ka Dhacay Gaalkacyo

MUQDISHO-AYAAMAHA-Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug dhanka Galmdug waxaa maanta ka dhacay Banaanbax xoogan oo lagu taageerayay howlgalada Ciidamada Dowladda iyo kuwa daraawiishta Galmudug ka wadaan Mudug.

Banaanbaxa oo ay dhigayaan Bulshada ku nool Magaalada Gaaalkacyo ayaa waxaa amarkiisa bixiyay laamaha Amniga Magaalada Gaalkacyo, iyada oo goobaha Ganacsiga & Waxbarashada Magaalada la xiray.

Dadweyne farabadan oo isugu jiray Wasiiro ka tirsan Galmdug, Maamulka Gaalkacyo, Culimo, Oadayaal, Saraakiil Ciidan iyo qeybaha kala duwan ayaa ka qeyb galay banaanbaxa lagu taageerayay Ciidamada dagaalka kula Al-shabaab.

Qaar kamid ah dadkii dhigay banaanbaxa oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay inay kasoo horjeedan dhibaatada Al-shabaab ay ku hayaan shacabka Soomaaliyeed, isla markaana ay garab taagan yihiin Ciidamada.

Sidoo kale Mas’uuliyiinta ka hadlay madasha banaanbaxa ayaa tilmaamay inay la dagaalami doonaan Shabaab, iyagoona shacabka Magaalada Gaalkacyo ugu baaqay inay la shaqeyaan laamaha amniga, lagana hortego falalka amni darro.

Muddooyinii ugu dambeeyay ayaa waxaa deegaano ka tirsan Gobolka Mudug ka dhacayay dagaalo iyo duqeymo diyaaradeed, waxaana Gobolka ku hardamayay Ciidanka Milateriga dowladda qeybta 21-aad, kuwa Galmdug iyo Al-shabaab.