Banaanbax looga soo horjeedo Xasan Sheekh oo Muqdisho ka bilowday.

MUQDISHO-AYAAMAHA-Banaanbax looga soo horjeedo Madaxweyne Xasan Sheekh oo ay dhigayaan qaar ka mid ah waalidiinta ciidan tababar ugu maqan dalka Eritera ayaa ka dhacay magaalada Muqdisho.

Waalidiinta ayaa Xasan Sheekh ka codsaday in wiilashoodii dib loogu soo celiyo.

Hadalada waalidiintaan waxaa kamid ahaa “War Xasanow habeenkii lagu doortay waan kugu faraxnay, Allahaa alle ma yahay ma Farmaajoo kalaa nagu noqotay?”. Sidookale hadalada waalidiinta waxaa kamid aha “Hadii ay dhintaan oo dhibaatadaan ay sababsadaan adigey dushaada tahay, Farmaajo adiga ayuu nagu kaa wareejiyey,”

Qaar kamid ah Maamooyonka waxay sheegeen in intii ay caruurtooda ma qaneyd oo ah shan sano aysan hurdo fiican hurdin, ayagoo cod dheer uga codsaday madaxweynaha in dhalinyarada uu ku soo celiyo dalkooda, kana soo saaro dhibaatada ay sheegeen inay ku heysato dalka Eritrea oo tababar looga qaaday.