Banaanbax Maanta Ka Billowday Magaalada Garoowe.

MUQDISHO-AYAAMAHA-Magaalada Garoowe ee Xarunta Gobolka Nugaal ayaa waxaa ka dhaca Banaanax ballaarna oo ay dhigayaan qaar kamid ah dadka deegaanka Magaaladaaas.

Boqolaal dadweyne oo isugu jira dhalinyaro, Haween iyo Caruur ayaa banaanbaxaas xiligaan ka wada bartamaha Magaalada Garoowe, iyagoona uga soo horjeeda Sicir barar xoogan oo ka jira halkaas.

Banaanbaxayaasha ayaa waxaa ay wadooyinka ku gubeen taayaro, iyaga oo sidoo kale fujiyay boorarka sawirka Madaxweynaha Puntland ee ku dheganaa bartamaha magalada Garoowe ee xarunta Gobolka Nugaal.

Xukuumadda Madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni ayaa waxaa ay ugu baaqeen inay waxka qabato sicir bararka iyo dadka diidaya isticmaalka lacagta Shillinka Soomaaliga oo degaano badan oo ka tirsan puntland laga diiday.

Lacagta Shilingka Soomaaliga ah ayaan shaqeyneyn Garoowe, waxaana aan waxba ka hirgalin dhamman amaradii Puntland soo rogtay, iyadoo la diiday qaadashada Lacagta Soomaaliga ah oo hadda caqabad weyn ka taagan tahay gudaha Puntland.

Wasaaradda Maaliyadda Puntland iyo mas’uuliyinta kala duwan ee Maamulkaas ayaa dhowr jeer waxaa ay soo saareen Amaro la doonayo in looga hortago diidamada lacagta Shillinka Soomaaliga balse aysan dhaqan gelin.