Banaanbaxyo waaweyn ka socda magaalooyonka Jigjiga & Addis Ababa

MUQDISHO-AYAAMAHAHA-Bannaanbaxyo waaweyn oo looga soo horjeedo kooxda TPLF ay ka socdaan Magaalooyinka Jigjiga ee dowlad degaanka Soomaalida & Addis Ababa ee Caasimadda Itoobiya.

Dadweyne farabadan oo qaarkood wata Sawirka Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya ayaa isugu soo baxay Magaalada Addis Ababa, kuwaas oo taageero u muujinayay Xukuumadda Abiy Axmed.

 

Dhinaca kale dadka ku banaanbaxaya Magaalada Jigjiga ayaa dhankooda kasoo horjeestay Kooxda TPLF, iyaga oo ku dhawaaqayay Erayo ay ku taageerayaan Ciidamada Federaalka Itoobiya ee dagaalka kula jira TPLF.

Dagaalada ka socda Itoobiya ayaa maalmihii la soo dhaafay xoogeystay, waxaana Ciidamada Kooxda TPLF ay kusoo dhawaadeen Caasimadda Itoobiya ee Magaalada Addis Ababa.