Baraawe oo la geeyay Booliskii ugu horeeyay ee Amisom ka socda.

MUQDISHO-AYAAMAHA-Magaalada Baraawe ee xaruta rasmiga ah ee Maamulka Koonfur Galbeed ayaa la geeyay ciidamadii ugu horeeyay ee Amisom ka socda, kuwaas oo sugi doona Amniga doorashada Golaha shacabka.

Baraawe ayaa kamid ah goobaha markii hore laga shakisanaa in aan ka dhici karin doorashada sababo la xiriira dhanka amaanka.

Lafta gareen, Cali Guudlaawe iyo Axmed ayaa gadaal ka riixayey in doorashada laga dhigo hal magaalo iyo 51 ergo balse Ra’iisul wasaare Rooble iyo Guddiga doorashooyinka ayaa ku adkeystay in doorasho ay noqoto labo magaalo iyo 101 ergo.

Baraawe ayaa noqon doonta magaalada ugu horeeysa ee lagu qaban doono doorashada xildhibaanada Golaha Shacabka sida uu sheegay Rw Rooble.