Baraawe oo Maalintii labaad ka socota doorashada Golaha Shacabka.

MUQDISHO-AYAAMAHA-Guddiga hirgelinta doorashooyinka ee heer dowlad Goboleed ee Koonfur Galbeed ayaa lagu wadaa in Maalintii labaad oo xiriir ah in Maanta degmada Baraawe ee Gobolka Shabeellaha Hoose ku qabtaan doorashada kuraas kamid ah Golaha Shacabka.

Guddiga ayaa shalay qabtay doorashada 7 kursi waxaana Maanta la filayaa inay qabtaan doorashada 6 kursi oo kala ah kuna tartami doonaan.

1: Hop#173 oo uu ku fadhiyo Cusmaan Xaaji Cali, waxaana ku tartami doona Cabdifitaax Cabdulle Caraaye & Cabduwahaab Cali Axmed.

2: Hop#155 oo ay ku tartami doonaan Jawaahir Cadaawe Cabdi oo kursigaan hadda ku fadhisa iyo Maariya Maxamed Cabdiraxmaan.

3: Hop#150 oo uu ku fadhiyo Xasan Cismaan Xuseen (Qoryooleey) ayaa waxaa ku tartami doona Cabduqaadir Cabdiraxmaan Dhure iyo Maxamed Cali Cabdiraxmaan.

4: Hop#160 oo uu hadda ku fadhiyo Nuur Siidow Baaba ayaa waxaa ku tartami doona Maxamed Yuusuf Xuseen iyo Cali Abuukar Maxamed.

5:Hop#250 oo uu ku fadhiyo Maxamed Saciid Cabdullaahi, balse ay ku tartami doonaan Cabdalla Maxamed Shariif & Cali Maxamed Sheekh Maxamed.

4:Hop#080 oo dhowrkii sano ee la soo dhaafay uu ku fadhiyay Maxamed Cumar Dalxa oo meesha laga saaray, waxaana ku tartami doona Aweys Xuseen Macalin iyo Maxamed Cusmaam Jibriil.

Maamulka Koonfur Galbeed ayaa noqday Maamulka doortay kuraasta ugu badan ee Golaha Shacabka, waxaana la filayaa in maalmaha soo socda sidoo kale Maamulada kale ee kajira dalka ay qabtaan kuraas doorashada kamid ah Golaha Shacabka.