Barakac xoogan oo ka socda Guriceel iyo cabsi ka jirta Degamada.

MUQDISHO-AYAAMAHA-Degmada Guriceel ee Gobolka Galgaduud waxaa maanta ka socda barakac xoogan halkaas oo laga cabsi qabo inay ku dagaalamaan Ciidanka dowladda & kuwa Ahlusunna.

Xaafadaha kala ah Wadajir, Daryeel iyo Tawakal ayaa si weyn looga barakacayaa, waxaana Ciidamada Ahlusunna ay difaacyo ka sameysteen Gudaha Degmada Guriceel.

Barakacaan Maanta ka billowday degmada Guriceel ayaa waxaa uu ka dambeeyay kadib markii Ciidamada dowladda iyo kuwa Galmudug ay ku dhawaadeen degmada Guriceel, isla markaana ay fariisin ka sameysteen degaanka Ceeldheere.

Xaalada degamada ayaa maanta ka duwan sidii hore, waxaana qaar kamid ah Bulshada ay sheegayaan inay dareemayaan cabsi la xiriirta in dushooda lagu dagaalamo.