Barlamaanka Galmudug Oo Maanta Dooranaya Lix Senator Oo Ka Tirsan Aqalka Sare

MUQDISHO-AYAAMAHA-Magaalada Dhuusamareeb ee Xarunta maamul goboleedka Galmudug ayaa lagu wadaa inay maanta ka dhacdo doorashada musharraxiinta u tartamaya kuraasta Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya u matali doonaa maamulkaas afarta sano ee soo socota.

Tan iyo Markii Madaxweynaha Maamulkaasi Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor uu soo gudbiyay liiska Musharixiinta u taagan Aqalka sare in ay ku matalaan Maamulkaasi, ayaa waxaa laga dareemayay magaalada dhaqdhaqaaqyo aad u ballaaran oo ayw adaan siyaasiyiinta iyo sidoo akle xubnaha musharixiinta ah ee maamulkaasi.

Magaalada ayaa waxaa si weyn looga dareemaya diyaar garowga ku aaddan doorashada, waxaana sidoo kale si weyn loo adkeeyay ammaanka guud ee magalada gaar ahaan halka doorashadu ka dhacayso.

Si kastaba saacadaha soo aaddan ayaa waxaa la filayaa in ay si toos ah u billaabato dooarshada Xubaha aqalka sare ee Maamulka galmudug.