Baydhabo oo maanta lagu dooranayo kuraas kamid ah Golaha Shacabka.

DOORASHADA kuraas kamid ah Golaha Shacabka.
DOORASHADA kuraas kamid ah Golaha Shacabka.

BAYDHABO-AYAAMAHA-Waxaa maanta lagu wadaa in markale Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay lagu doorto Afar kamid kuraasta Golaha Shacabka ee degaan doorashadoodu tahay Maamulka Koonfur Galbeed.

Guddiga Doorashooyinka heer Dowlad Goboleed ee Koofur Galbeed ayaa waxaa ay sheegeen in maanta ay qabanayaan doorashada Afur kursi, kuwaas oo ay ku tartamayaan musharixiin iskugu jira kuwa hore ugu fadhiyay kuraasta maanta la dooranayo iyo kuwa Cusub.

Kuraasta Maanta la dooranayo ayaa waxaa ay kala yihiin, HOP#154 oo Afartii sano ee la soo dhaafay ay ku fadhiday Sareeda Maxamed Cabdalla, HOP#213 oo uu ku fadhiyo Yacquub Cali Maxamed, HOP#180 oo Koonfur Galbeed uu ku matalayay Afartii sano ee la soo dhaafay Xildhibaan Daahir Cabdi Cabdulle Dr. Go, kaas oo kursigaan u tartamidiisa ka tanaasulay & HOP#193  uu ka geeriyooday Maxamuud Maxamed Bono.

Sidoo kale, waxaa jiro weli khilaaf u dhaxeeya Guddiga doorashooyinka heer federal dhexdooda iyo kan Koofur Galbeed, kaas oo ka dhashay Kursiga Hop103 oo Guddoomiyihii hore ee Golaha Shacabka uu sheegay in loo diiday in uu ku tartamo, balse Guddiga doorashooyinka heer federal ay soo saareen war qoraal ah oo ay ku hakinayaan kursigaas, waxaana ka hor yimid warkaasi Xubno ka mid ah Guddiga doorashooyinka Heer Federaal oo ku sugan Baydhabo Iyo Guddiga doorashada Koofur Galbeed.

Shalay Maamulka Koonfur Galbeed waxaa uu Magaalada Baydhabo ku doortay Afar kamid ah Golaha Shacabka, waxana ilaa iyo hadda Maamulka Koonfur Galbeed uu doortay 7 kursi.

Doorashooyinkii ka dhacay Magaalooyinka Dhuusamareeb iyo Baydhabo ayaa waxaa kasoo noqday cabasho badan, iyada oo dad ay kamid yihiin Guddoomiyihii hore ee Golaha Shacabka Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari iyo Idiris Cabdi Dhaqtar laga reebay inay tartamaan.