Beesha Caalamka iyo Golaha Wadatashiga Qaran oo kulan xasaasi ah uga socda Xerada Xalane

MUQDISHO-AYAAMAHA-Waxaa maanta magaalada Muqdisho kulan kuwada yeeshay Xubnaha Golaha wadatashiga qaran iyo safiirada beesha caalamka ee fadhigooda yahay Xerada Xalane.

Waxaa kulankan  guddoominayay  Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble , iyada oo ay goobjoog ahaayeen madaxda maamul goboleedyada iyo Gudoomiyaha Gobalka Banaadir.

Waxaa shirkan diiradda lagu saaray dardar-gelinta arrimaha doorashooyinka dalka, gaar ahaan mid golaha shacabka ee la filayo in dhowaan la qabto.

Waxaa dhanka kale kulanka lagu soo qaaday taageerada beesha caalamka ee ku aadan doorashooyinka, maadaama dowladdu ay raadineyso dhaqaalaha ka dhimman

Ilo wareedyo lagu kasloon-yahay ayaa sidoo kale innoo sheegay in golaha wada-tashiga qaran iyo xubnaha beesha caalamka ay ka wada-hadleen sidii loo xalin lahaa tabashada midowga musharixiinta mucaaradka oo si weyn uga soo horjeestay habaaraca doorashada.

Kulankan ayaa qeyb ka noqonayo wada-hadallo is-daba joog ah oo maalmihii lasoo dhaafay ka dhacayey caasimada, kuwaas oo diiradda lagu saarayey doorashooyinka 2021-ka, waxaana ugu dambeeyey midkii ay xalay yeesheen golaha wada-tashiga & musharixiinta.