Beesha Caalamka oo ka qeyb gashay shirkii Gobalaha Wadatashiga Qaran iyo sharuudo cusub oo la shaaciyey.

MUQDISHO-AYAAMAHAH-Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble oo ay wehliyaan Xubnaha kale ee Golaha Wadatashiga Qaranka ayaa kulan la yeeshay wakiillada Beesha Caalamka oo ay ka wada hadleen dardargalinta doorashooyinka dalka.

Ra’ iisul Wasaare Maxamed Rooble ayaa sheegay in ay ka go’n tahay in sida ugu dhaqsiyaha badan loo soo gebogebeeyo doorashada, iyadoo turxaan bixinta iyo toosinta wixii ka soo laabtay lagala tashanayo dhammaan dhinacyada ay khuseyso sida Midowga Musharixiinta, Bulshada Rayidka ah, Haweenka iyo daneeeyeyaasha kale.

Wakiilada Beesha Caalamka ayaa ugu digay Golaha Watashiga Qaran in shirka uu fashilmo waxaana shuruud uu ku xiray in deeqda Beesha Caalamka ee doorashada la fasixi doono hadii doorasho lagu qanacsiyahay bilaabato.

Dhanka kale waxaa jirta in wakiilada ay u sheegeen madaxda in khilaafkasta oo jira la iska dhaafo islamarkaana diiradda la saaro soo gabagabeynta doorashooyinka dalka.

Waxaa xusid mudan in xiligan uu khilaaf culus u dhaxeeyo RW Rooble iyo MW Farmaajo iyadoo baaris lagu bilaabay weerarkii Farmaajo kusoo qaaday madaxtooyada.