Beesha caalamka oo markale war kasoo saartay dagaalka Laascaanood.

MUQDISHO-AYAAMAHA-Wakiilada beesha caalamka ee Soomaaliya ayaa si xooggan u cambaareeyay dagaalka weli ka socda magaalada Laascaanood, iyagoo walaac ka muujiyay wararka sheegaya in dhinacyadu ay isu hub aruursanayaan.

Bayaan ay xalay soo saareen ayey ku sheegeen in ay “aad uga welwelsan yihiin” saameynta dadka rayidka ah kasoo gaareysa isku dhacyadan socday muddada.

“Waxaan si weyn uga walaacsan nahay hoobiyeyaasha lagu garaaco dhismeyaasha rayidka, taasoo horseeday in waxyeello ay soo gaarto dadka shacabka ah iyo barakac baahsan”.

“Saaxiibada beesha caalamka ayaa si adag u cambaareeyeen rabshadaha sii socda ee magaalada Laascaanood waxayna walaac xooggan ka muujiyeen wararka la xiriira abaabulka kooxaha hubaysan,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka.

Hadalkan ayaa yimid xilli dagaalka ka socda magaalada Laascaanood uu galay maalintii tobonaad, iyadoo labada dhinac uu mid walba ku eedeynayo inuu weerarka billaabay.

Shaqaalaha gurmadka degdegga ah ayaa BBC-da u sheegay in dad badan uu dagaalka kasoo gaaray khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayna adag tahay in si buuxda loo fuliyo howlaha gurmadka.

Tan iyo xalay waxaa magaalada Laascaanood laga maqlayay dhawaqa rasaasta iyo madaafiicda. Dad goobjoogeyaal ah ayaa BBC-da u sheegay in xalay magaalada ay ku soo dhaceen madaafiic iyadoo la maqli karay rasaas ay iswaydaarsanayeen dhinacyada dagaallamaya.

Bayaanka ay xalay soo saareen hoggaanka howlgalka Midowga Afrika ee nabad ilaalinta u jooga Soomaaliya iyo dalal ay ka mid yihiin kuwa dariska la ah Soomaaliya, Mareykanka, Britain, Turkiga, Sucuudiga, Midowga Yurub, Urur-Goboleedka (IGAD) iyo Qaramada Midoobay ayaa ku boorinaya dhammaan dhinacyada inay u hoggaansamaan xabbad joojinta oo ay is xakameeyaan, isla markaana ay galaan wada hadal wax ku ool ah si loo gaaro xal nabadeed.

Beesha Caalamka ayaa ku celiyay baaqoodii ahaa in gargaarka bani’aadanimo aan la hor istaagin si deg deg wax looga qabto baahiyaha dadka barakacay ka dib saameynta ka dhalatay rabshadaha socda.