Beesha Caalamka oo soo jeedisay in si deg deg ah loo qabto hanaanka doorashada Soomaaliya

MUQDISHO-AYAAMAHA-Saaxiibada Beesha Caalamka  ee Soomaaliya ayaa soo dhaweeyay shirweynaha Dowladda Federaaalka Soomaaliya – Dowladaha Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka (DFS-DXDF) ee guusha ku soo idlaaday magaalada Muqdisho.

Waxay Ra’iisal Wasaare Maxamed Xuseen Rooble bogaadinayeen sida uu u hogaamiyay geeddi-socodkan, iyo sidoo kale Madaxweynayaasha Dowladaha Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka, Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir, iyo siyaasiyiinta kale ee sida habsanida leh ee wax ku oolka ah uga qaybqaatay wadahadallada.

Waxaan Mahad u soo jeedinayeen Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Maxamed ‘Farmaajo’ oo ku baaqay 1dii bishan Maajo in lagu laabto hanaanka doorashada 17 Sebtembar ee heshiiska ku saleysan.

Waxay hadda ugu baaqeen dhammaan saamilleyda inay si degdeg ah horey ugu socdaan si loo abaabulo doorashooyin loo wada dhanyahay oo daahfuran oo dib u dhac la’aan ah.

Beesha Caalamka madaxda Soomaaliyeed ugu baaqday inay wadahadal caadi ah oo dhexmara saxiixayaasha Heshiiskii 17kii Sebtembar ku xalliyaan wixii khilaaf ah ee mustaqbalka yimaada.

Saaxiibada Beesha Caalamku waxay sheegeen in ay  diyaar u yihiin inay madaxda Soomaaliya ku taageeraan hirgelinta heshiiskan taariikhiga ah.