Beesha Caalamka oo war cusub kasoo saartay khilaafka Farmaajo iyo Rooble

MUQDISHO-AYAAMAHA-Wakiilada Beesha Caalamka ayaa war kasoo saartay khilaafka Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’iisulwasaare Rooble, ayagoo ku booriyay in la xaliyo muranka siyaasadeed ee u dhaxeeya labada Masuul, xooggana la saaro doorashooyinka.

Wakiilada ayaa muujiyay sida ay uga walwalsan yihiin arrimaha aas aasiga ah ee aan wali la xalinin, waxaana ay hoosta ka xariiqeen inay muddo labo todobaad ay socotay dadaalo dhex dhexaadin ah.

“Hubaal la’aantan siyaasadeed ee socota ayaa sii kordhisay halista dib-u-dhac kale oo ku yimaada geeddi-socodka doorashada waxayna horseedday jahwareer ka dhashay hoggaanka Wasaaradda Amniga Gudaha (WAG) iyo Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA), kuwaas oo waxtarkoodu muhiim u yahay la-dagaallanka Al-Shabaab iyo ilaalinta xaaladda nabadgelyo ee dalka”ayaa lagu yiri War saxaafadeedka.

Qoraalka kasoo baxay Beesha caalamka ayaa sidookale waxaa lagu yiri. “Saaxiibada caalamku waxay ku boorrinayaan Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha inay sida ugu dhaqsaha badan u gaaraan heshiis, si ay diiradda u saaraan hirgelinta heshiisyada doorashada ee 17-kii Sebteember 2020 iyo 27-kii Maajo 2021 iyo inay hubiyaan in hay’adaha amniga ee muhiimka ah (WAG iyo NISA) ay madax u yihiin hoggaamiyeyaal awood u leh oo la qadariyo, gaar ahaan xilliga doorashada.”