Beesha Caalamka oo war kasoo saartay caqabadaha hortaagan dhameystirka doorashada

MUQDISHO-AYAAMAHA-beesSaaxiibada Soomaaliya ee beesha caalamka waxaa dhiirigelin u ah in tiro ka badan 91 boqolkiiba kuraasta Golaha Shacabka hadda la doortay. Waxaan aaminsannahay in tani ay ka dhigan tahay dardar aan la joojin karin si loo dhamaystiro kuraasta harsan si dhakhso leh.

Dowlad Goboleedka Hirshabelle iyo Dowlad Goboleedka Jubaland oo kaliya ayaan weli soo dhameystirin geedi-socodka doorashada Golaha Shacabka. Waxaan ku boorinaynaa inay sidaas sameeyaan iyadoo aan jirin dib-u-dhac, isla markaana mudnaanta siiyaan wadahadalka iyo wadatashiga lagama maarmaanka u ah soo gabagabeeynta qabanqaabada doorashada – ee gaar ahaan u socdo Jubaland – si loo hubiyo in beelaha ay khusayso ay matalaad ku yeeshaan Baarlamaanka soo socda.

Waxaan ku bogaadinaynaa dhammaan Guddiyada Hirgelinta Doorashada Heer Dowlad Goboleedyo (SEITs) sida ay dukumeentiyada ugusoo gudbiyeen Guddiga Hirgelinta Doorashada Heer Federaal (FEIT) iyadoo loo madlanyahay dhaarinta xubnaha cusub ee lasoo doortay, oo ay dhaarin-doonaan hay’adaha awoodda u leh marka la gaaro 14ka Abriil. Waxaan ku boorinaynaa in horay loogu socodo u-diyaar garowga dhaarinta 14-ka Abriil xitaa iyadoo ay socoto howsha xalinta arrimaha kale ee taagan iyo dhameystirka kuraasta ka harsan Hirshabelle iyo Jubaland.

Iyadoo hadda diiradda la saarayo kulanka baarlamaanka in uu ka qabsoomo Muqdisho – lana doorto guddoomiyeyaasha baarlamaanka iyo madaxweynaha qaranka – waxaan ugu baaqaynaa madaxda siyaasadda Soomaaliya inay xaqiijiyaan in geeddi-socodkani uu ku qotomo wadar-oggol ballaaran. Tani waxay si gaar ah muhiim ugu tahay go’aannada ku saabsan goobta, hab-maamuuska amniga, iyo tallaabooyinka ka hortagga musuqmaasuqa ee shirarka baarlamaanka ee la xiriira doorashada. Waxaa muhiim ah in qabanqaabada marxaladdan ugu danbeysa ee geeddi-socodka doorashada ay taageero xoogan ka hesho dhinacyada siyaasadda ayna ka dhalato natiijo ay dhamaan aqbalsanyihiin inay tahay sharci. Madaxda Soomaaliyeed waxay markaas kadib wax ka qaban karaan arrimaha kale ee mudnaanta u leh qaranka, sida ka jawaabidda abaaraha ba’an iyo dhismaha amniga iyo barwaaqo-ku-dabbaalidda Soomaaliya sanadaha soo socda.