Beesha Caalamka Oo War Kasoo Saartay Diidmada Habraaca Doorashada

Beesha Caalamka ayaa sheegay inay soo dhoweynayaan shirka Golaha Wadatashiga Qaran ee ee 21 iyo 22 Agoosto ku qabsoomay Muqdisho, waxayna xubnaha Golaha Wadatashiga Qaran ka codsatay inay wax ka qabtaan walaaca laga keenay hanaanka doorashada Aqalka sare, si loo taageero hanaan doorasho oo daahfuran, waqtiyaysan, loo wada dhanyahay oo lagu kalsoonaan karo oo loo qabto Golaha Shacabka.

Sidoo kale waxay soo dhoweeyeen dhismaha Guddiga Amniga Doorashada, waxayna ku baaqeen in dib loo billaabo kulamada guddiga si loo xaqiijiyo in qabanqaabada amniga laga diyaariyo dhammaan goobaha codbixinta ka hor doorashada Aqalka Hoose.

“Saaxiibadu waxay Golaha Wadatashiga Qaran iyo saamilleyda kale la wadaagayaan inay rumeysanyihiin in hufnaanta hanaanka doorashadu ay muhiim u tahay xasilloonida Soomaaliya, waxaan sidaa darteed ku dhiirigelinaynaa inay qaadaan tallaabooyinka lagama maarmaanka si loo xaqiijiyo in hanaanka doorashada lagu dhammeystiro si lagu kalsoonaan karo, daahfuran oo waqtigii loogu talagalay ku dhacda,” ayaa lagu yiri qoraalka.