Beledweyne oo maanta ka dhacaysa doorashada kursi adag iyo Musharaxiin badan oo iska diwaan geliyey.

MUQDISHO-AYAAMAHA-Magalaada Beledweyne ee xaruunta gobolka Hiiraan ee dowlad goboleedka HirShabeelle ayaa maanta waxaa lagu wadaa inay ka dhacdo doorashada kursi tartankiisu adag yahay.

Guddiga hirgelinta doorashooyinka heer dowlad Goboleed ee Hir-Shabeelle ayaa  Beledweyne ku qabanaya doorashada kursiga Hop#058 oo ay ku tartamayaan musharrixiin farabadan.

Guddiga ayaa shalay diiwaangeliyay ilaa 7 musharrax oo kursiga Hop#058 ku tartami doona, waxaana kursigaan horay ugu fadhiyay Nuur Iidow Beyle, balse uu sheegay in uu ka tanaasulay, waxaana musharrixiinta ku tartami doona ay kala yihiin.

1: Agaasimihii hore ee NISA Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe).

2: En, Yoonis Maxamed Nuur.

3: Madaxweynihii hore ee Hir-Shabeelle Cali Cabdullaahi Cosoble.

4:Cabduqaadir Xuseen Coloow.

5: Maxamuud Afdhuub Makaraan

6: Cabdullaahi Axmed Xuseen

7: Ubax Cali Sheegow.