Beyle oo shaaciyey in dib loo billaabay Kabka miisaaniyadda dowladda oo hakad ku jiray

MUQDISHO-AYAAMAHA-Wasiirka Maaliyadda xukuumadda federaalka Soomaaliya Mudane Cabdiraxmaan Ducaale Beyle oo wareysi kooban siiyay warbaahinta Qaranka ayaa sheegay in uu furmayo kabka miisaaniyada ee dowladaha saaxiibka la ah Soomaaliya ay siiyaan dowlada oo in mudo ah go’naa kadib markii madaxweyne Xasan Sheikh Maxamuud uu kulamo la qaatay madaxda hay’adaha dhaqaalaha aduunka.

Wada shaqeyn wanaagsan oo ka dhaxeysa Dowladda Federaalka, Banka Aduunka iyo Hay’adda IMF ayaa suurta-gelinaya in ay soo daayaan wixii loo baahnaa ee markii hore la hakiyay.

“ Kabka miisaaniyaddu waa furmayaa, waa loogu talagalay wax dhibaato ah iminka inaga soo gaarayana ma jiraan, kaliya waxaa dhiman in la bilaabo oo meeshooda la geeyo, arrintaas ayaa bilaabatay,” ayuu yiri Wasiir Beyle.

Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheikh Maxamuud, madaxda wasaaradda maaliyadda iyo hay’adaha dhaqaalaha aduunka ayaa ka wada hadlay howlaha dib-u-habeynta dhaqaalaha iyo taageerada Bankiga ee Soomaaliya.