Bilyaneer caan ah oo sheegay inuu lacagtiisa siinayo dadka saboolka ah

MUQDISHO-AYAAMAHA-Bilyaneer Bill Gates ayaa ballan-qaaday inuu ku deeqi doono hantidiisa oo dhan, isla markaana uu ka bixi doono kaalimaha hore ee uu uga jiro liiska maalqabeennada adduunka.

Arrintan ayaa ku soo beegantay xilli uu ninkan oo asaasay shirkadda Microsoft shaaciyay in lacag dhan 20 bilyan oo doollar uu ugu deeqay hay’addiisa samafalka.

Gates oo hadda ah ninka afaraad ee dunida ugu taajirsan ayaa sheegay inay “masuuliyad” ka saaran tahay inuu hantidiisa ku celiyo bulshada.

Yabooh noocan oo kale ah ayuu Gates sameeyay sanadkii 2010, hase yeeshee wixii markaas ka dambeeyay waxaa aad sare ugu kacay hantidiisa, oo waxa uuba ka batay labo-laab.

Sida ay shaacisay jariiradda Forbes, Bill Gates ayaa hadda haysta 118 bilyan oo doollar, balse lacagtaas ayaa hoos u dhici doonta maaddaama uu balaayiin doollar ugu deeqay hay’adda Bill & Melinda Gates oo uu la sameeyay xaaskiisii hore sanadkii 2000.

Bartiisa Twitter ayuu Gates ku qoray in hay’adda ay sare u qaadi doonto kharashaadkeeda sanadlaha ah, oo hadda dhan 6 bilyan, ayna sanadka 2026 gaarsiin doonto 9 bilyan. Sababta ayuu ku sheegay xaaladaha ka taagan dunida, sida xanuunka Koroonaha, colaadda Ukraine iyo isbeddelka cimilada.

“Mustaqbalka waxa uu qorshahaygu yahay in aan dhammaan maalkayga ku wareejiyo hay’addan. Taas ayaa ka dhigan in ugu dambeyn aan hoos uga dhici doono liiska maalqabeennada caalamka,” ayuu yiri Bill Gates.

“Wuxuu waajib iga saaran yahay in aan dhaqaalahayga ku celiyo bulshada oo aan wax ka qabto dhibaatooyinka haysta, isla markaana aan wanaajiyo nolosha dadka. Waxaan filayaa in dadka hantida haysta ay sidan oo kale samayn doonaan,” ayuu hadalkiisa raaciyay.

Hay’adda Gates Foundation ayaa ka shaqaysa dalal badan oo caalamka ah si loo yareeyo xanuunka duumada, loo horumariyo waxbarashada, isla markaana wax looga qabto faya-dhowrka.

Sanadkii 2020 waxaa lagu tilmaamay inay tahay hay’adda labaad ee ugu dhaqaalaha badan kuwa safamarlka ka shaqeeya, iyadoo hantideeda ay gaartay 49.8 bilyan oo doollar. Dadka dhaqaalaha ugu deeqa waxaa ku jira Warren Buffett oo ah bilyaneer sameeyay maalgashi badan.

Inkastoo ay hay’addu wax wanaagsan qabatay, ayaa haddana waxaa su’aal laga keenay galaangalka ay ku leeyihiin maalqabeennada ku tabarruca dhaqaalaha ay hesho.

Bill Gates ayaa sanadihii 1995 ilaa 2010 iyo 2013 ilaa 2017 ahaa ninka ugu hantida badan caalamka. Sanadkii 2017 ayaa waxaa kaalintaas kala wareegay Jeff Bezos oo leh shirkadda Amazon, halka Elon Musk uu hadda yahay ninka ugu taajirsan dunida.

BBC