Bogga telefishinka Qaranka oo laga saaray wareegtada Villa Somalia iyo shir DEG DEG ah oo socda.

MUQDISHO-AYAAMAHA-Bogga telefishinka Qaranka ayaa laga saaray wareegtada Villa Somalia kaddib amar ka yimid Wasiirka Warfaafinta oo isna Ra’iisul Wasaaruhu faray in warbaahinta dowladda laga saaro Qoraalkii Villadasia aan warka kuheleyno.

Magacaabida Madaxweyne Farmaajo uu magacaabay Agaasimaha NISA oo horey u macaabay R/W Rooble ayaa waxaa dadka ay leeyihiin in loo fasiran karaa in Farmaajo uu diidan yahay in cadaalad loo helo Kiiskii Ikraan, maadaama uu xilal u magacaabay Taliyeyaasha la tuhunsanaa inuu ka dambeeyey ama wax ka ogaa dilka Ikraan Tahliil.

Wararka ayaa sheegaya in Shir degdeg ah uu hadda ka socda guriga RW Rooble, waxaa la sheegayaa in looga arinsanayaa sidii maalinta berito ah si xoog ah Bashiir Goobe loo gayn lahaa xarunta Nabadsugida.

Jawiga caawa ee magaalada Muqdisho ayaa ah mid aan deganeyn waxaana laga dareemayaa kacsanaan siyaasadeed, dadka qaarna waxay is weydiinayaa jawaabta uu bixin karo Rooble maadaamaa magacaabistiisa agaasimaha NISA uu diiiday Farmaajo.