Booliiska Galmudug oo warqad codsi ah u diray Madaxda Ahlisuna.

Booliiska Galmudug

DHUUSAMAREEB-AYAAMAHA-Taliska Guud ee Booliiska Galmudug oo war-saxaafadeedkan soo saaray ayaa ugu baaqay madaxda Ahlusunna sida Macalin Maxamuud iyo Sheikh Shaakir in ay joojiyaan abaabulka dagaal ee ay ka wadaan Deegaanka Huurshe.

Taliska ayaa sidoo kale farey saraakiisha Ciidamada ee Huurshe jirta in ay xeryohooda dib ugu soo laabtaan oo aysan qayb ka noqon abaabulkaasi, iyadoo qaybaha kale ee bulshada loogu baaqay in gacan siinin abaabulkaasi.

Ugu dambeyn Taliska Booliiska Galmudug ayaa ugu baaqay dhinacyada ku dagaalamey Xananbuure in ay colaadaasi ku badalaan nabad iyo wada xaajood.