Booliska Gobolka Banaadir Oo Gacanta Ku Dhigay Burcad Dhac U Gaysan Jiray Shacabka Muqdisho

MUQDISHO-AYAAMAHA-Booliska Gobolka Banaadir ayaa Xalay soo bandhigay Burcad la sheegay in ay dhac u gaysan jireen Shacabka Magaalada Muqdisho, waxaana Ciidanku ay kusoo qabteen Howlgallo ay  ka sameeyeen Qaar ka mid ah Xaafadaha degmooyinka Muqdisho.

Burcaddaan oo lagu soo bandhigay Xaruunta CID da ayaa waxaa dhac u gaysan jireen dadka shacabka ah, waxaana sidoo kale lasoo bandhigay hub kala duwan iyo dharka Ciidanka oo ay dadka ku dhici jireen.

Kusimaha Afhayenka Gobolkani Banaadir Gaashaanle Cabdi fitaax Aadan Xasan oo warbaahinta la hadlay ayaa Waxaa uu sheegay in dadkaan ay soo qabteen ay ka kooban yihiin 14 ruux, kuwaasi oo uu tilmaamay in ay dhac ka gaysan jirteen gudaha Caasimadda, isagoo intaa ku daray in ay ku labbisan jireen dareeska qaybaha kala duwan ee Ciidanka Dowladda, sida Booliska, Millateriga oo ay dharkooda ku dhibaateyn jireen shacabka sida uu sheegay Afhayenku.

Sidoo kale waxaa uu tilmaamay in Burcaddani ku hubeysnaayeen hubka fud-fudud sido Qorayga AK47, Bistoolado iyo waxyaabo kale oo ay u adeegsan jireen dhaca sida Toorreyo iyo waxyaabo kale sida uu ka dhawaajiyay Kusimaha Afhayenka Gobolkani Banaadir Gaashaanle Cabdi fitaax Aadan Xasan.

Ugu dambeyntii waxaa uu tilmaamay in ay ku raad joogaan burcad kale oo caasiamdda dhac ka gaysta, isagoo digniin u diray kooxaha ku howlan dhibaayeynta shacabka Muqdisho.