Booliska Kenya Oo Helay Meydka Guddoomiye Ay Al-Shabaab Gowraceen

KISMAAYO-AYAAMAHA-Booliiska Gobolka Wajeer ee Waqooyi Bari Kenya ayaa sheegay inay heleen maydka kaaliye degaan oo maalintii Jimcihii ay afduubeen maleeshiyaad lagu tuhunsan yahay inay ka tirsan yihiin ururka Al-Shabaab.

Guddoomiyaha deegaanka Gumaarey oo ka tirsan Wajeer Cumar Aadan Buul ayaa madaxiisa oo gowracan laga helay deegaan u dhaxeeya Khorof Xaraar iyo Konton.

Booliska ayaa sheegay in Cumar Aadan Buul u egtahay in lagu dilay meel kale, isla markana madaxiisa oo go’an la soo dhigay deegaanka agagaarka deegaanka Khorof.

Al-Shabaab ayaa jimcihii la soo dhaafay weerartay Saldhigga deegaanka Gumaarey, waxaana la sheegay in ciidamadii Booliska isaga carareen deegaanka, taasoo keentay in Al-Shabaab soo afduubtaan mas’uulkii deegaankaas.

Kenya ayaa dagaal adag kula jirta Ururka Al-Shabaab oo weerarro iskugu jira ku dhufo oo ka dhaqaaq, qaraxyo iyo kuwo gaadmo ah ka gaystay gobolka Waqooyi Bari