Booliska oo gacanta ku dhigay Guri lagu beeray Xashiish & dadkii lahaa

MUQDISHO-AYAAMAHA-Ciidamada Booliska Saldhigga Dagmada Howlwadaag ee Gobalka Banaadir ayaa howlgal ay ka sameeyeen xaafadda Tookiyo ee Dagamadaasi Howlwadaag ay gacanta ku dhigeen Guri lagu beeray xashiis iyo dadkii ku lug lahaa kadib markii ciidamada Booliska xog ka heleen bulshada ku nool deegaanka.

Taliyaha Saldhigga Booliska Dagmada Howlwadaag Najiib Cabdi oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in Ciidamada Booliska oo qaaday howlgal qorsheeysan ay gacanta ku dhigiin Beer lagu tallaalay dhirta Xashiishadda nooca ugu qatarsan ee Murjawaanaha iyo Haamo lagu farsameynayay Calaqa iyo dadkii ku howlanaa.

“ Ciidamada ayaa gacan ka helay bulshada deegaanka waxayna taasi suuragalisay in gacanta aan ku soo dhigno waxyaabaha Maanka dooriya iyo Dhirta Xashiishka oo lagu beeray mid kamid ah dhismayaasha Xaafadda Tookiyo iyo Caagado lagu karkarinayay Maandooriyaha Calaqa” ayuu yiri taliye Najiib Carab.

Taliyaha ayaa u mahadceliyay dadweynaha ku nool dagmada Howlwadaag oo marwalba lasoo wadaago sida uu sheegay ciidanka booliska xogta qatarta ku ah amaniga iyo bulshada deegaanka, taas oo boolisku har iyo habeenba u taaganyahay in ka badabaadiyo.

Waa dhacdo ugub ku ah gobalka Banaadir in lagu arko Beer lagu tallaalo Xashiishka, taas oo hadda ay kahortageen ciidamada Ammaanka, waxaana uu kusoo aadaha xilli Ciidamada Booliska ay wadeen howlgallo ka dhan ahaa waxyaabaha maanka dooriya.