Booliska oo gacanta ku dhigay nin baadi goobkiisa baraha bulshada lagu baahiyay 

MUQDISHO-AYAAMAHA-Taliska Booliska Gobolka Banaadir ayaa gacanta kusoo dhigay Eedeysane lagu magacaabo Xuseen Xasan Gaaboow, kaasi oo Baraha Bulashada kasoo muuqday asigoo tacidiyad u geeysanaya gabar aad u da’yar.

Muuqaalo iyo sawiroo Baraha Internet-ka lagu baahiyay ayaa muujinayay Ninkaan oo Tacaddiyo u gaysanaya Gabadhaasi yar,taasi oo u muuqata inuu siiyay Maandooriye, waxaana si weyn uga falceliyay Bulashada Soomaaliyeed.

Taliyaha qeybta guud ee Booliiska Gobolka Banaadir ayaa la sheegay inuu bixiyay amar degdeg ah oo ku aaddan sidii Ninakasi Gacanta loogu soo dhigi lahaa, waxaana saacado kooban kadib lasoo qabtay Xuseen Xasan Gaaboow oo degganaa Degmada Kaaraan ee Gobolka Banaaadir.