Booliska oo markale gacanta ku dhigay Khamri farabadan

MUQDISHO-AYAAMAHA-Ciidammada Booliska gobalka Nugaal ayaa gacanta ku dhigay khamri fara-badan iyo mid kamid ah Raggii ka ganacsanayay, kaddib howlgallo ay ka sameeyeen caasimadda Puntland ee Garoowe.

Qoraal lagu baahiyay barta Facebook Taliska Qeybta Booliska gobalka Nugaal, ayaa lagu sheegay in khamridan oo gaaraysa 60 dhalo, gaarigii ay saarneyd iyo Ragii watay mid kamid ah, lagu soo qabtay gudaha Garoowe.

G/Sare Xuseen Cali Maxamuud, Taliyaha Qeybta Booliska Nugaal ayaa u mahadceliyay ciidammada howlgalada sameeyay qabashada khamrida.

Waxaa uu sheegay inay sharciga horgeyn doonaan cid walba oo lagu soo qabtay, islamarkaana ay sii wadi doonaan howlgallada ka dhanka ah waxyaabaha Maanka dooriya

Muddooyinkii dambe dalka waxaa kusoo badanaayey Khamriga iyo Calaqa oo ah kuwa gudaha dalka lagu sameeyo iyo kuwo dibadda laga keeno.