Booliska Oo Shaaciyay Magaca Qofka Looga Shakisanyahay Qarax Ka Dhacay “Nashville”

MUQDISHO-AYAAMAHA-Booliska oo baaraya gaari xamuul ah oo saddex qof ku dhaawacay magaalada Nashville maalintii ciidda Masiixiga ayaa magacaabay qof laga shakisan yahay ka dib markii DNA lagu soo ururiyay goobta.

Saraakiisha gobolka Tennessee ee Mareykanka ayaa sheegay in DNA-da ay is yeesheen Anthony Quinn Warner oo 63 jir ah.

FBI-da ayaa sheegay in aysan jirin wax tilmaam ah oo ku saabsan tuhmanayaal dheeraad ah inkastoo ay tahay xilli hore in a ogaado haybta dambiileyaasha.

Qaraxa ka dhacay banaanka xafiiska isgaarsiinta ayaa carqaladeeyay nidaamyadii isgaarsiinta ee Tennessee iyo afar gobol oo kale.

Qaraxa ayaa dhaawacay seddex qof isla markaana carqaladeeyay nidaamyadii isgaarsiinta ee Tennessee iyo afar gobol oo kale.

Intii lagu guda jiray shirkii jaraa’id ee Axadii, baarayaasha federaalka waxay sheegeen inay rumeysan yihiin in Warner, oo ka shaqeynayay Technologiyadda, khibrad dheerna u lahaa qalabka elektarooniga, inuu ahaa shaqsiga kaliya ee mas’uulka ka ahaa qaraxa kaasi oo ku dhintay goobta.

Waxay sheegeen in qaraxa loo malaynayo inuu ahaa mid ula kac ah, haraaga goobta laga helayna uu Warner.

Sida laga soo xigtay diiwaanka dadweynaha, Warner ayaa ilaa goordhow deganaa Antioch, oo ah xaafad ka tirsan Nashville, halkaas oo ay booliisku Sabtidii baaritaan ku sameeyeen.

Deriska ayaa sidoo kale soo sheegay inay arkeen gaari xamuul ah oo goobta yaal, warbixinta maxaliga ah.

Mar sii horeysay, CBS News ayaa soo warisay in dheecaanka DNA laga qaaday Warner hooyadiis.