Booliska oo si kooban uga hadlay qaraxii ka dhacay afka hore ee Madaxtooyada.

MUQDISHO-AYAAMAHA-Qoraal uu soo saaray Afhayeenka Booliska Cabdifitaax Aadan Xasan ayuu ku sheegay in qaraxa dhacay uu mid Is-miidaamin ah oo uu fuliyay qof isku xiray Jaakad waxyaabaha qarxa ah, isla markaana uu isku dhex qarxiyey dad shacab ah oo ku sugnaa Ceel-gaabta.

Afhayeenka ayaa sheegay in wixii faah faahin ah ay dib warbaahinta uga soo gudbi doonaan, wuxuuna Qoraalkiisa ku yiri “Abaaro 1026hrs waxaa shaqsi Naftii Halige ah Isku Qarxiyey Isgoyska Ceelgaabta xili ay wada xirneyd, wuxuuna ku dhax qarxay Dad tayid  ah, wixii Qasaara ah dib ayaan ka soo sheegeynaa”….

Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa ka dhashay qaraxaas ka dhacay Magaalada Muqdisho, waxaana wararka qaar ay sheegayaan in qaraxa lala eegtay Baabuur siday qaar kamid ah Ergooyinkii maanta ka qeybgalayay doorashada Gobolada Waqooyi ee Somaliland.