Booliska Puntland oo gacanta ku dhigay gaari sidday khamri farabadan.

MUQDISHO-AYAAMAHA-Ciidanka Booliska Gobolka Mudug ee Maamulka Puntland ayaa xalay gacanta ku dhigay gaari laga soo buuxiyey maadooriye sida khamri farabadan oo la doonayey in si qarsoodi loogu geliyo Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolkaas.

Ciidamada Booliska ayaa la sheegay in bar Koontraool ku qabteen gaariga oo noociisu ahaa NOHA oo lagu soo raray dhalooyin farabadan oo ku jiraan khamri la rabay in si qarsoodi loogu iibiyo gudaha Gaalkacyo, hayeeshee laamaha amniga ay ka hortageen.

Taliska Booliska Mudug ee Puntland ayaa soo bandhigay gaariga iyo laba Nin oo watay gaarigaas gacanta lagu dhigay, isla markaana waxaa la xira ragga oo ay baaritaano ku wadaan laamaha amniga oo ay weydiinayaan su’aalo la xiriira waxyaabaha lagu qabtay.

Saraakiisha Ciidamada Booliska ayaa goob fagaare ah ku burburiyay khamriga oo gaarayay in ka badan 400 oo dhalo kaas oo lagu qabtay howlgal ay sameeyeen Ciidamada, iyadoona Digniin loo diray dadka ka howlan iibinta khamriga.