Booliska Puntland oo gacanta ku dhigay Rag muddo lagu raad joogay.

Howlgal

MUQDISHO-AYAAMAHA-Howlgal ay sameeyeen Ciidamada Booliiska Gobolka Mudug ee Puntland, ayaa waxaa la sheegay inay gacanta ku dhigeen rag muddo lagu raad joogay, kuwaas oo ka Ganacsanayay maandooriyaha Khamriga.

Raggaan oo ka tirsan Shabakado ay Booliska Gobolka Mudug sheegeen inay hayeen xogtooda, waxaana raggaan laga soo kala qabtay degmada Jariiban iyo degmada Galdogob ee Gobolkaasi Mudug.

Saraakiilnka tirsan Booliska Gobolka Mudug ee Puntland ayaa waxaa ay sheegeen in ragga ka Ganacsanayay maandooriyaha Khamriga lala qabtay Gaadiidkii ay ku Shaqeeysanayeen, isla markaana dhawaan maxkamad la tiigsan doonaan.

Dhowr jeer ayaa degaano ka tirsan Gobolka Mudug waxaa ku dagaalamay Ciidamada Boolisk iyo koox hubeysan oo ka Ganacsanayay Khamriga, iyada oo qaarkood la qabtay halka qaar kale lagu raad joogo.

Howlgal