Booliska Puntland oo ka hadlay Haweeneey Ninkeeda dishay

MUQDISHO-AYAAMAHA-laamaha Amniga Gobolka Karkaar ee Puntland ayaa waxaa ay faah faahin guud ka bixiyeen Haweeneey Maanta Ninkeeda (Seygeeda) ku dishay Guri kuyaala Xaafada Kaambo ee Magaalada Qardho

Haweeneyda oo u heysay Afar Carruur ah ayaa Ninkeeda oo lagu Magacaabi jiray Aweys Cabdi Nuur oo jira da’da 35 tooreey qoorta laga dhufatay, waxaana dhaawac culus oo soo gaaray uu ugu geeriyooday Isbitaalka Magaalada Qardho.

Taliyaha Booliska Gobolka Karkaar ayaa sheegay in dilka Haweeneydan ee Ninkeeda uu salka ku haayo arrimo la xiriira maseer ama hinaaso, isla markaana Haweeneyda oo lagu Magacaabo Farxiyo Cismaan Maxamed ay kujirto gacanta Ciidamada Booliska.

Waxaa uu hadalkiisa uu intaasi ku daray taliyaha in  Bulshada Magaalada Qardho iyo Ciidamada oo iskaashanaya ay suurtagashay in haweeneyda dilka geysatay ay qabtaan, wuxuuna Bulshada ka codsaday inay Ciidamada marwalba sidaas ula Shaqeeyaan.

Dhacdooyinka la xiriira in haweeney ay disho Ninkeeda ama Nin uu dilo xaaskiisa ayaa sanadkiiba mar dhaca, iyada oo dhacdada ka dhacday Magaalada Qardho ay layaab la noqtay Bulshada Magaalada.