Booliska Soomaaliya oo gacanta ku dhigay Nin dil iyo dhaawac geystay

MUQDISHO-AYAAMAHA-Ciidanka Booliska degaanka Garasbaaley ayaa gacanta ku dhigay mid kamid ah Kooxda Burcadka hubeysan ee dadka Shacabka ah dhaca, sidookalana rasaas uu ku furay Ciidanka Amniga ku dilay qof shacab ah, laba kalana ku dhaawacay.

Ciidanka ayaa Nikaan buracadka ah ka qabtay Waxaada 3-aad ee Deegaanka Garasbaley, xiligaas oo uu dhacaya qof dumar ah oo uu ka qaatay teleefan ay watay, waxa uuna watay Qoriga loo yaqaan M-16 sida ay sheegeen Booliska Soomaaliya.

Ciidanka Ammniga ee Booliska ayaana haatan kusoo xiray Saldhigga Degmada Dharkenley, waxaama la hor geenayaa Maxkamada ciidamada si loo marsiiyo Xukunkiisa.