Booliska Soomaaliya oo gacanta ku dhigay rag dil iyo dhaawac ka geystay Garowe

MUQDISHO-AYAAMAHA-Ciidanka Booliska Qeybta Guud ee Gobolka Banaadir ayaa gacanta ku dhigay Koox Eedeysanayaal ah oo dil iyo dhaawac Kasoo geystay Magalada Garowe ee xarunta Dowlad goboleedka Puntland, Kadibna usoo baxsaday Magalada Muqdisho.

Kooxdaan oo ka kooban seddex rag ah ayaa ku eedeysan in Magaalada Garowe kusoo dileen Muwaadin lagu Magacaabi jiray Cabdullaahi Jeylaani, sidoo kale kusoo dhaawaceen Muwaadin Hanad Xasan Cawil.

Taliska Qeybta Guud ee Gobolka Banaadir oo horay luugu soo gudbiyay xogta eedeeysanyaashan ayaa xalay waxaa qabtay Ciidanka Booliska Saldhigga Degmada Shibis oo labo kamid ah ka qabtay isla guri ku yaala Degmada Shibis, halka midka laga qabtay Degmada Xamar-Jajajb.

Sidoo kale eedeysanaha saddexaad ayaa laga soo qabtay degmada Xamar-Jajab, sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay taliska.

Eedeeysanayaashan oo sawiradooda uu soo bandhigay taliska ayaa la hor-geynayaa maxkamadaha dalka si loogu fuliyo xukunkooda.

Ciidamada ammaanka ee magaalada Muqdisho ayaa sare u qaaday howl-galada lagu baacsanayo kooxaha burcadda, ayada oo maalmihii lasoo dhaafay ku guuleysteen inay soo qabtaan ku dhawaad 20 rag ah oo dadka dhaceysay.