Booliska Soomaaliya oo howlgallo ka sameeyay Muqdisho

MUQDISHO-AYAAMAHA-Ciidamada Booliska Gobolka Banaadir, kuwa sida gaarka ah u tababaran ee Haramcad, Ciidanka NISA oo ay wehlinayeen Ciidamada Koontoroolada Guurguura ayaa xalay howlgallobwadajir ah ka sameeyay xaafado iyo degmooyin katirsan Gobolkan Banaadir.

Howlgalka oo uu horkacayay Taliyaha qeybta Booliska Gobolka Banaadir Farxaan Maxamuud Aadan (Qaroole) amnigana lagu xaqiijinayay ayaa laga sameeyay Suuqa Bakaaraha, Xaafadaha Warshadii hore ee Caanaha, Warshada Taraqa iyo Sigaarka, Xaafadda Daaru-salaa iyo degmooyin kamid ah qeybta Bari ee Gobolka Banaadir.

Ciidamada ayaa baaritaano ku sameeyay Gaadiidka noocyadiisa kala duwan, iyada oo Taliyaha qeybta Booliska Gobolka Banaadir Farxaan Maxamuud Aadan (Qaroole) uu xaaladda Amni wax ka weeydiiyay qaar kamid ah Ganacsatada Suuqa Bakaaraha oo uu kormeer indha-indheyn ah ku tegay.

Saraakiisha howlgalka horkaceysay ma shaacin waxyaabo ay howlgalka kusoo qabteen, hayeeshee ay sheegeen in howlgallada si joogto ah ay u sii wadi doonaan.

Todobaadyadii la soo dhaafay ayaa dadka kunool qaar kamid ah degmooyinka Gobolka Banaadir waxaa ay ka cabanayeen Kooxo Burcad ah oo dhac u geeysanaya iyo Ciyaal weero taas oo keentay in howlgallada la sameeyo.