Booliska Soomaaliya oo qabtay Burcad dhac geysatay

MUQDISHO-AYAAMAHA-Ciidamada Booliska Soomaaliya ayaa kadib howlgal ay xalay ka sameyeen meelo kamid ah Magaalada Muqdisho waxaa ay kusoo qabteen Rag hubeyan oo watay Mooto Bajaaj, kuwaas oo la sheegay inay dhac geysteen.

War qoraal ah oo kasoo baxay  Taliska Ciidanka Booliska ayaa waxaa lagu sheegay in ay ku howlgalleen cabasho uga timid dadka Shacabka, isla markaana raga hubeysan ee dhaca geystay & Mootadii ay wateen ku qabteen degmada Warta-nabadda ee Gobolka Banaadir.

“ Abaare 10:00 fiidnimo ee xalay, ayaa Ciidanka Bolliiska Soomaaliyeed ee Saldhiga Boliiska Degmada Warta-nabadda, waxey Waaxda Barwaaqo ee Xaafada Xamar-Jadiid gacanta ku dhigeen Mooto Bajaaj RE-Gaduud ah taarkadeedu tahay M1D595, labo eedeysane, hubkoodii iyo dhibaneyaashii dhaca loo geystay ayaa lagu yiri Qoraalka kasoo baxay Booliska.

Sidoo kale Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliya waxaa ay sheegeen in Mootadaan ay isla xalay fiidkii horay dhac uga geysatay Xaafada DAALO ee Degmada Howl-wadaag, kadib markii ay Bulshadu ka gacansiisay gacanta lagu soo dhigay.

Booliska ayaa Shacabka ku wargeliyay inay socdaan howlgallo lagula dagaalamayo Burcada hubaysan iyo Xubnaha katirsan ururka Al-Shabaab ee mararka qaar falalka Amni darro ka geysta Magaalada Muqdisho.