Booliska Soomaaliya oo toogtay Shabaab hubeysan oo dili rabay Askari

MUQDISHO-AYAAMAHA-Nin hubeysan ayaa la soo sheegayaa in saaka lagu dilay degaanka Garasbaaley ee fuleedka magaalada Muqdisho ka dib markii ay rasaas ku fureen ciidamada amaanka.

Ciidanka booliska saldhigga degaanka Garasbaaley  ee duleedka Magaalada muqdisho ayaa la sheegay inay dileen Nin katirsan Ururka Al-Shabaab, kaas oo doonayay in uu dilo askari katirsan Ciidamada dowladda Soomaaliya.

Saraakiisha Ciidanka booliska saldhigga degaanka Garasbaaley ayaa sheegay iney saaka toogteen xubin ka tirsanaa Amniyaatka Al-Shabaab oo doonayay inuu dilo askari ka tirsan ciidanka dowladda.

“Isgoyska xaafadda Tabeelaha Sheekh Ibraahim ayaa lagu dilay dhagarqabahaas oo qorsheynayay inuu dilo askari ka tirsan ciidanka aruuriya canshuuraha” ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay taliska qeybta guud ee booliska gobolka Banaadir.

Wararka aan helnay ayaa sheegaya in dilka kadib ay Ciidamada sameeyeen howlgallo kale oo ammaanka lagu xaqiijinayay si ay uga hotagaan falal amni darro oo ka dhaca duleedka magaalada Muqdisho.

Dhowr jeer ayaa Xubno katirsan Ururka Al-Shabaab ay askar katirsan Ciidamada dowladda kudileen Magaalada muqdisho iyo duleedkeeda kadibna ay baxsadeen