Booliska Turkiga oo xiray haweeney looga shakisan yahay qaraxii ka dhacay Istanbul

Dowladda Turkiga ayaa soo bandhigtay Haweeney lagu eedeeyay inay ka dambeeysay qaraxii ay dadka ku dhinteen ee shalay ka dhacay Magalada Istanbul ee waddankaasi Turkiga.

War kasoo baxay dowladda Turkiga ayaa lagu sheegay in Haweeneyda Boorso qarax uu ku jiro ay dhigtay waddo mashquul badan oo kutaalla Istanbul, hayeeshee ugu dambeyn baaritaan la sameeyay lagu soo qabtay.

Booliska waxay magaca haweeneyda ku sheegeen -Axlaam Bashiir- oo la sheegay inay soo tababareen maleeshiyaadka Kurdida ee laga mamnuucay Turkiga ee PKK.

Qaraxa ayaa ka dhacay mid kamid ah meelaha ugu mashquulka badan ee laga dukaameysto ee ku yaalla Istanbul, waxaana ku dhintay ugu yaraan 6 qof halka in ka badan 8 qofna ay ku dhaawacmeen.