Boqor Burhan oo si adag kaga hor yimid sharciga ay wadato madaxtooyada Puntland

GAROWE-AYAAMAHA-Boqor Burhaan Boqor Muuse oo  shir jaraa’id ku qabtay magaalada Qardho ee xarunta gobolka Karkaar, ayaa si kulul uga hadlay xeerka joojinta gudniinka gabdhaha oo ay dhowaan ansixiyeen golaha wasiirada Puntland.

Khilaaf weyn ayaana haatan ka dhex taagatan  maamulka Puntland ee hogaamiyo Deni, iyo bulshada inteeda kale Sida Isimada, culumida, dhalinyarada iyo haweenka.

Boqorka ayaa sheegay inay talaabadani tahay mid aan laga aamusi karin, dhaawacna u geysanaysa diinta islaamka, isla markaana cidna uga habaysan doonin wax walba oo khilaafaya diinta.

” Anagu mujtamaca iyo umadda wixii wanaageeda ah oo diinteeda ay ku badbaadi kadho, cidna uga haybaysan mayno diyaar baanu u nahay af iyo addinba inaanu kaga hornimaadno, mana aqbalayno “.

Boqorka ayaa intaas ku daray xukuumada Puntland inaysan isku mashquulin wax aanan u suurtagalayn maadaama sharcigani lid ku yahay qanuunkii ilaahey.

” Waxaa laga hortagay oo waqti badan la geliyey gudniinkii fircowniga ahaa waxay ahayd arrin culimo iyo maamul iyo dowlado kuliba la iska kaashaday, in hadana loosoo gudbo sunigii iyo arrinkii ilaahey weyne ahaa iyo rasuulkiisa, waa wax aan soconayn. Waxaa idinka maamul ahaan wax idiinka soconaynna inaad wakhti badan ku lumisaan maaha…”

Sidoo kale Boqor Burhaan ayaa golaha wakiilada Puntland ugu baaqay inay laalaan sharcigan, wuxuuna ugu danbayn boqorku u mahadceliyey culimada Puntland oo cambaareeyey talaabadan.

Waa maamulkii ugu horeeyey ee ka dhexraadiya ku xadgudubka dhaqanka iyo diinta islaamka ayagoo raadinaya mashruuc lacago lagu cuno.

Horey maamulka Puntland ee Dani hogaamiyo  waxay si dadban u fasaxeen in Uurka lasoo xaaqi karo (abortion) taas oo ka hor imaaneyso shareecada Islaamka.