Boqor Buurmadow oo dacwad laga gudbiyey loona haysto arrin xasaasi ah.

MUQD8SHO-AYAAMAHA-Maamulka Gobolka Banaadir ayaa sheegay inay gudbiyeen dacwad ka dhan Cismaan Aw Maxamuud Maxamed “Boqor Buurmadow si loo soo xiro.

Guddoomiye Ku xigeenka Amniga & Siyaasadda Gobolka Banaadir Cali Cabdi Wardheere (Cali Yare) ayaa bartiisa Facebook kusoo qoray inay gudbiyeen dacwad ay ku codsanayaan in lagu soo xiro Buurmadoow.

“Gefkii ka soo yeeray Buurmadow ee uu cadowga Alshabaab ku taageeray uguna aqoonsaday “Dowlad” reerkiisu maamulo” ayuu yiri Cali Yare.

ilaa iyo hadda ma kala cadda halka uu dacwadda ka furay Cali Yare.

Boqor Buurmadoow oo maalmahan booqasho ku marayay Muqdisho ayaa la arkayay isaga oo jeedinayo hadal uu ku sheegayo in ‘Shababka’ ay madax ka yihiin beeshiisa isla markaana ku tilmaamay ‘dowlad aanan lagu tartamin’

Dadka ka hadlay arrintan waxaa kamid ah wasiirkii hore ee arrimaha dibadda Soomaaliya, Yuusuf Garaad oo ugu baaqay Boqor Buurmadow in uu raaligelin ka bixiyo hadalka.