Boqor Cismaan Buurmadow oo si heer sare ah loogu soo dhaweeyey Muqdisho

MUQDISHO-AYAAMAHA-Ugaaska saameynta badan ee Boqor Cismaan Ow-Maxamuud Buurmadow ayaa saaka lagu soo dhoweeyay magaalada caasimadda ah ee Muqdisho, isagoo ka qeyb qaadan doona xulista ergooyinka dooraneysa Xildhibaannada Gobolada Waqooyi.

Boqor Cismaan Ow-Maxamuud Buurmadow ayaa dib uga mid noqday Odayaasha ee 135-ta ee 2016 kii soo doortay ergada soo dooratay xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya.

Sidookale Boqorka ayaa si weyn kaga qeyb qaatay xalintii khilaafkii u dhaxeeyay Ra’iisul Wasaare Kuxigeenka iyo Guddoomiyaha Aqalka Sare, waxaana heshiis ka gaareen hannaanka doorashada xubnaha labada aqal ee ka soo jeeda Gobolada Waqooyi ee Somaliland.

Maalmaha soo socodo ayaa la filayaa in doorashada Golaha Shacabka Baarlamaanka Soomaaliya laga billaabo guud ahaa dalka, gaar ahaan kuwa Gobolada Waqooyi ee Soomaaliland uu Boqorka u yimid inuu ka qeyb qaato.