Britain, Mareykanka iyo Australia oo gaaray heshiis ka dhan ah Shiinaha

MUQDISHO-AYAAMAHA-UK, Mareykanka iyo Australia ayaa ku dhawaaqay heshiis dhanka ammaanka iyo ciidamada ah oo ay ku wadaagayaan teknolojiyadda gaashaandhigga, si looga hortago Shiinaha.

Dalalka UK iyo Mareykanka ayaa Australia ka caawin doona inay dhisto marakab cusub oo ku shaqeeya quwadda nukliyeerka – balse aan ahayn maraakiibta gunjiska ee ku hubaysan hub halista ah ee nukliyeerka.

Arrintan waxay la macno tahay in Australia aysan sii wadi doonin heshiis hore oo ay la gashay dalka Faransiiska.

Dalalkan ayaa sidoo kale iska kaashan doona inay wadaagaan macluumaadka dhanka sirdoonka iyo waliba ka hortagga weerarada dhanka internet-ka.

Bayaankan wadajirka ah ayaa lagu sheegay in Indo-Pacific uu yahay gobol uu ka dhalan karo is-afgaran-waa, maadaama ay jiraan muranno aan wali la xallinin.

Wali ma cadda sida shaqada loo wadaagi doono – laakiin Dowladda UK waxay rajaynaysaa in ay warshadaha difaaca Britain arrintani ay ku lug yeelan doonaan.

Rai’sul wasaaraha Ingriiska Boris Johnson ayaa sheegay in iskaashigan uu yahay mid furaya bog cusub oo saaxiibtinimo.

Mustaqbalka waxaa sidoo kale jiri kara iskaashi dheeraad ah oo ku saabsan tiknolojiyadda dhanka gaashaandhigga oo ay dalalkan yeeshaan.

Heshiikan ayaa loo arkaa in uu yahay mid ay dalalkan uga hortagayaan dowladda Shiinaha.

Ma ah wax qarsoodi ah in Britian, Mareykanka iyo Australia ay wadaagaan waalac ku aadan galaagalka militari ee Shiinaha ee biyaha badda pacific-ga.

Toddobaadyadii la soo dhaafay, marka ah noca diyaadaha xambaara oo UK leedahay ayaa la geeyay gobolka Indo-Pacific iyadoo ay weheliyaan shaqaale iyo qalab ka yimid Mareykanka.

Dowladda shiinaha ayaa markiiba cambaareysay heshiiskani ay wada gaareen dalalka Britian, Mareykanka iyo Australia.

War ka soo baxay safaaradda ay Shiinaha ku leyihiin washinton ayaa lagu tilmamay heshiiskan in uu yahay mid wata hab fikirki lagu dhaqmi jiray xilligii dagaalkii qaboobaa.

Xigasho: BBC