Bulshada Soomaaliyeed sidey u arkaan qorsha Xasan Sheekh ee ‘shaqo abuurka dhallinyarada’?

MUQDISHO-AYAAMAHA-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo la kulmay qaar ka mid ah dhallinyarada Soomaaliyeed ayaa shaaciyey qorshihiisa horumarinta dhallinyarada, kaasoo xoogga saaraya abuuridda fursadaha shaqo ee dhallinyarada iyo xoojinta xiriirka ka dhexeeya iyaga iyo dowladda.

Madaxweynaha ayaa xusay in dowladdu ay siindoonto hortebinta koowaad Hindisaha Shaqo Abuurka Qaran, si dhallinyaradu ay door weyn uga qaataan qorsheyaasha Qaran ee dib-u-dhiska dalka, kobcinta dhaqaalaha, maalgashiga iyo xoraynta dalkeenna.

“Dhallinyarada Soomaaliyeed waxa ay shacabka ka yihiin in ka badan 70%. Waxa ay aasaas u yihiin dowladnimada, dhaqaalaha dalka iyo horumarinta arrimaha bulshada. si aan u gaarno isku filnaansho buuxa waxaan ku dhawaaqayaa madal ay dhalinyarada Soomaaliyeed ku wadaagaan hal abuurkooda iyo horumarinta dowladdooda.”

Shacabka Muqdisho ayaa ka filceliyey hadalka Madaxweynaha, waxayna sheegeen in hadalka Xasan Sheekh uu ka farxiyey dhallinyaro badan, iyagoo sheegay inay rumeysteen ayna shaqo heli doonaan.

“Hadalka madaxweynaha waa run beena kama ahan, sababtoo ah Xasan Sheekh isaga ayaa qoray 5000-ta kun ee hada u diwaan gashan shaqaalaha rayidka ah ee dowladda, waxayna ila tahay inaan shaqo helidoono, anigoo muddo 4 sano shaqo la aan ahay” ayuu mid kamid ah dhallinyarada oo aan waraysanay.

Waa tallaabadii ugu horreysay ee uu qaaday Xasan Sheekh, waxaana loo arkaa in madaxweynaha uu wax badan ka ogyahay daruufaha nololeed ee dhallinta Soomaaliyeed ay ku noolyihiin ee shaqo la aanta ah.