Bulshadda Rayidka oo ku biiray Shirka Golaha Wadatashiga Qaran.

MUQDISHO-AYAAMAHA-Ra’iisul Wasaaraha XFS yo Xubnaha Gollaha Wadatashiga Qaran ayaa kulan la qaatay masuuliyiin ka socotay Bulshada Rayidka Soomaaliyeed kuwaas oo ay ka dhageysteen talo soo jeedin iyo turxaan bixin la xiriirta doorashooyinka dalka.

Xubnaha bulshada rayidka ayaa waxay ku celceliyeen in doorashooyinka ay  noqdaan kuwa daah-furan oo loo aamini karo,in si sax ah loo hirgalinayo habraacyada doorashada ee lagu hishiiyay.

Kulanka oo galay maalinkii sadaxaad ayaa waxa shir guddoominaya Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble iyada oo ay ka qeyb galayaan Madaxweynayaasha Dowladaha Xubnaha ka ah DFS ee Puntland ,Galmudug,Hirshabelle ,Jubbaland ,Koofur Galbeed iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir.

Shirkaan ayaa waxaa uu noqon doonaa  midkii u dambeeyey ee looga hadlayo arrimaha doorashooyinka, iyadoo dhowr dhowr shirar noocan ah horey loo qabtay inkastoo aan wax natiijo ah oo laysku raacay laga gaarin.